Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Horjooge Hubka Kiimikada u Qaabilsanaa IS oo Xiran


Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, ayaa sheegay in horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda ISIS oo dhawaantan ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanku ku qabteen gudaha Ciraaq in uu ahaa shaqsi u qaabilsana dhinaca hubka kiimikada kooxdaasi ISIS.

Eedeysanahan, oo aan wali magaciisa la sheegin, ayaa la qabtay isbuucii hore, waxaana la xiririntiisa hubka kiimikada ah ee kooxda Daacish, la shaaciyay Arbacadii shalay, sida ay sheegeen saraakiil gaashaandhigga ka tirsan, oo diidey in magacooda la adeegsado.

Hor-joogahan ISIS ka tirsan, ayaa lagu qabtay howl gal ay ciidamada ka sameyeen xadka Ciraaq iyo Siiriya toddobaadkii hore.

XS
SM
MD
LG