Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: 4 Qof oo Ku Dhaawacmay Hoobiyeyaal


Kismayo, Somalia
Kismayo, Somalia

Saraakiisha ammaanka maamulka Jubba ayaa sheegay in kooxda Al-Shabab ay soo tureen hoobiyeyaasha.

Afar qof oo rayid ah oo laba ka mid ah ay caruur yihiin ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaal ku soo dhacay guryo ku yaala xaafadda Via Af-madow ee magaalada Kismayo.

Saraakiisha ammaanka maamulka Jubba ayaa sheegay in kooxda Al-Shabab ay ka soo tureen hoobiyeyaasha meel magaalada banaankeeda ah, inkastoo aysan weli cidina sheegan.

Guryaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa ku dhow xero ay degenyihiin ciidamada Amisom ee Burundi iyo kuwa maamulka Jubba.

XS
SM
MD
LG