Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sanders iyo Trump oo ku Guulesytay Michigan


Donald Trump ayaa sidoo kale ku guuleystay gobollada Mississippi iyo Hawaii, halka guushii Sanders ee Michigan ay ahayd mid yaab leh.

Senator-ka laga soo doonto gobolka Vermont ayaa guul la yaab leh kasoo hooyey doorashadii xisbiga dimoqraaidga ee gobolka Michigan, halka musharaxa Jamhuuriag ee Donald Trump uu sii ballaariyey hoggaankiisa, kadib markii uu ku guuleystay gobollada Michigan, Mississippi iyo Hawaii.

Codbixinno ra’yiga oo horey loo qaaday ayaa muujiyey in Hillary Clinton ay aad uga horreyso Bernie Sanders, hase yeeshee doorashadii xalay ayuu Bernie ku helay 50% codadka.

Si kastaba Clinton ayaa si fudud ugu guuleysatay doorashadii gobolka Mississippi, oo ay heshay in ka badan 80% codadka.

Sanders ayaa sheegay in guusha uu ka gaaray doorashada Michigan ay muujineyso in “Kacdoonkiisa siyaasadeed” uu weli yahay mid ka xooggan meelo badan oo dalka ka mid ah.

Donald Trump ayaa isna u muuqda mid aysan waxba u dhimeyn weerarka dhinaca warbaahinta ah oo ay ku hayaan xubnaha Jamhuuriga ee aan dooneyn inuu kusoo baxo magacaabista xisbigooda.

Trump ayaa xalay u mahad-celiyey kuwa weerarka ku haya, isaga oo sheegay in weerarka ay ku hayaan dartiis ay dad badan oo carreysan isaga ugu codeynayaan.

“Caawa waxaa guuleystay hal qof oo kaliya, waa Donald Trump” ayuu yiri Trump oo shir jaraa’id ku qabtay gobolka Florida.

XS
SM
MD
LG