Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaneyaal Dalbaday in Lasii Daayo Okello Ochalla


Mudanyaashan ayaa waxaa ka mid ah Keith Ellison
Mudanyaashan ayaa waxaa ka mid ah Keith Ellison

Afar mudane oo ka tirsan congress-ka Maraykanka ayaa warqad u qoray Madaxweyne Barack Obama, taas oo ay kaga codsanayaan la sii daayo nin u xiran dawladda Ethiopia.

Afartan mudane oo kala ah Keith Ellison, David Cicilline, Alcee Hastings, iyo Rick Nolan ayaa madaxweyne Obama u qoray in dawladda Ethiopia ay sii deyso Okello Akway Ochalla oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Gambella ee Ethiopia, isla markaana ah hogaamiye qabiilka Anuak ee deegaankaas.

Warqadda ay mudanayaashani u qoreen Madaxweyne Obama ayey ku sheegeen in caruurta Mr. Ochalla iyo dumaashadiiba ay si sharci ah u deggan yihiin dalka Maraykanka. Mudanayaasha ayaa sheegay in Mr. Ochalla uu xiran yahay muddo labo sano ah.

Mudanayaashan ayaa warqadooda ku sheegay in tiro badan oo jaaliyaddda reer Ethiopia ahi ay Maraykanka deggan yihiin, islamarkaana ay ka argagaxsan yihiin xad-gudubyada bani’aadaminimo ee dalkooda ka dhacaya.

Mudanayaasha warqaddan qoray ayaa sheegay in Mr. Ochalla uu dalka ka cararay oo uu magan galyo siyaasadeed ka helay dalka Norway, ka dib markii uu si adag uga halday xasuuq loo geystay qabiilkiisa Anuak ee gobolka Gambella ku dhaqan, sanadkii 2003-dii. Hase yeeshee ay dawladda Ethiopia soo afduubatay xilli uu booqanayey dalka South Sudan sanadkii 2014-kii.

Mudanayaashan ayaa Mr. Obama ugu baaqay inuu adeegsado cadaadis siyaasadeed, arrintaas oo sida ay warqadooda ku sheegeen, si wanaagsan u shaqeysay markii siyaasiyiin kale oo dawladda dalkaas u xirnaa la soo daayey.

XS
SM
MD
LG