Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siday AMISOM uga bixi kartaa Somalia?


Machadka Heritage ee Cilmi baarista ayaa soo saaray warbixin dheer oo ku saabsan sida ciidamada AMISOM uga bixi karaan Soomaaliya.

Machadka Heritage ee Cilmi baarista ee Fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin dheer oo ku saabsan sida ciidamada AMISOM ee Africa ka socdaan uga bixi karaan Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in AMISOM aanay ka adkaan karin al-Shabaab, oo AMISOM ay u baahan tahay in arrintaasi ay kala kaashato ciidamo qaran oo isku dhafan oo Soomaaliyeed.

Joogitaanka AMISOM ee Somalia ayaa wuxuu tobban jirsan doonaa sannadka danbe ee 2017.

Waxa kale oo warbixinta ay sheegtay in howl-galka AMISOM uu yahay mid ka mid ah kii ugu khasaaraha badnna howl-gallada ay QM taageerto ee ka dhaca caalamka.

Agaasimaha Machadka Heritage, Cabdirashid Khaliif Xaashi, oo Toronto ku sugan ayaa waxyaabaha ugu muhiimsan warbixintan wuxuu uga warramay Falastiin Axmed Iimaan.

Sidee Amisom uga bixi kartaa Soomaaliya?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00


XS
SM
MD
LG