Iiraaniyiinta ayaa billaabay codeynta doorashooyinkii ugu hooreeyey ee qaran ee dalkaas ka dhaca tan iyo sanaddii tagtay, markii la saxiixay heshiiska nuclear-ka ee Iran ay la gashay quwadaha adduunka.
Qiyaastii 55 milyan oo qof oo Iraaniyiin ah ayaa u diiwaan gashan inay u codeeyaan baarlamanka ka kooban 290-ka kursi ee muxaafidiinta ay ku xoogan yihiin iyo golaha khubarada qaranka oo ka kooban 88 xubnood.
Golaha Khuburada ayaa waxa ay dusha kala socdaan shaqooyinka hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei, oo ah ninka leh go’aanka ugu dambeeya ee siyaasadda arrimaha dibedda Iran.
Inkasta oo Iiraaniyiinta ay u codeeyaan sharci dejiyayaal, haddana natiijada codbixinta ayaa loo arkaa inay ka ra’yi bixin doonto heerka ay la egtahay taageerada heshiishka Nuclear-ka, iyo siyaasadda madaxweyne Hassan Rouhani.
Rouhani ayaa waxa uu sanadka dambe geli doonaa doorasho uu doonayo in dib loogu doorto.