Isku xirrada

War Deg-Deg ah

20 Qof oo loo Xiray Weerar Shalay ka Dhacay Muqdisho


Weerar Hoobiye
Weerar Hoobiye

Weerarkii hoobiyayaasha ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku geeriyooday shan qof.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay 20 qof ay u soo qabatay hoobiyayaashii shalay lagu tuuray dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkaasi hoobiyayaasha oo ku dhacay xaafado u dhow madaxtooyada, ayaa waxaa ku geeriyooday 5 qof, ayada oo tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdi Kaamil Macallin Shukri, ayaa sheegay in sidoo kale ay soo qabteen baabuur iyo hub loo adeegsaday weerarkii shalay.

Wasaaradda Amniga waxay sidoo kale soo saartay amar lagu mamnuucayo hubka sharci darrada ah ee saaran gaadiidka raaxadda ah ee magaalada laga isticmaallo.

Seynab Abuukar ayaa warkan Muqdisho ka soo dirtay.

20 qof oo lagu xiray Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:15 0:00

XS
SM
MD
LG