Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Go'aanka Sweden Oo Walaac Laga Muujiyey


Sarkaal Booliis ah oo hubinaya dadka magan galyo doonka
Sarkaal Booliis ah oo hubinaya dadka magan galyo doonka

Ku dhowaad 80,000 oo ka mid ah qaxootiga magangalyo doonka ah ee dalka Sweden soo galay, ayaa la sheegay in la masaafurin doono.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay suuragal tahay in dalkaasi laga masaafuriyo ku dhowaad 80,000 oo ka mid ah qaxootiga magangalyo doonka ah ee dalkaas soo galay.

Anders Ygeman ayaa sheegay in sababta dadka loo celinayo ay tahay ayada oo la diiday codsiyadii magan-galyo doon ee ay u gudbiyeen dalkaas.

Go’aankan ayaa qeexaya in muhaajiriinta la siin doono fursad ay si iskood ah dalka uga baxaan, ama haddii kale qasab lagu masaafurin doono.

In badan oo ka mid ah qaxootiga oo Soomaali ah ayaa walaac ka muujiyay warka kasoo yeeray Sweden, waxaana ay codsadeen in go'aankaasi laga laabto.

Weriyaha VOA ee London ayaa warbixin noo soo diray.

Go'aanka Sweden oo walaac laga muujiyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00

XS
SM
MD
LG