Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FACEBOOK Oo Ereyo Cusub Soo Kordhisay


Facebook
Facebook

Ereyada fal-celinta ah ee facebook ay soo kordhineyso waxaa ka mid ah “angry” oo la macno ah carro, ama “sad” oo la macno ah “murugo”.

Barta bulshada ku kulanto ee Online-ka ee Facebook, ayaa dhowaan soo kordhin doonta fal-celinno cusub oo la mid ah ereyga “like” ee qofku doorto marka wax uu jeclaado uu ku arko facebook.

Dhowaan, ayaa dadka Facebook isticmaala waxa ay awood u yeelan doonaan inay adeegsadaan ereyo ay ka mid yihiin “angry” oo la macno ah carro, ama “sad” oo la macno ah “murugo”.

Waxa sidoo kale lasoo kordhin doonaa ereyada “yay”, oo aad ku qeylin karto markaad wax si aad ah uga hesho ama ereyga “wow’ oo wixii ku cajab geliyaa aad u adeegsan kartaa.

Facebook waxa ay sidoo kale kusoo dari doontaa ereyga “love” oo aad saari karto wixii aad jeclaato, sida faallo, sawir ama video.

Mark Zuckerberg, oo madax ka ah facebook ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in dadku ay awood u siiyaan inay wadaagaan dhammaan waxyaabaha macnaha ugu fadhiya, uuna rajeynayo in dadku jeclaan doonaan ereyadan cusub ee lasoo kordhin doono.

Facebook ayaa tijaabinta fal-celinnada cusub waxa ay bishii October ka billowday dalalka Chile, Philippines, Portugal, Ireland, Spain, Japan iyo Colombia.

XS
SM
MD
LG