Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Kenya Oo Ka Baxay Buulo-Gaduud


Ciidamada Kenya ee maanta ka baxay Buulo-Gaduud ayaa degay saldhig ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada Amisom ee ka socda dalka Kenya iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa maanta ka baxay saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Buulo-Gaduud oo 30 KM u jira magaalada Kismaayo.

Deegaanka Buulo-Gaduud ayaa waxaa markii ay ciidamada Kenya kasoo baxeen, la wareegay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, oo ku sugnaa hareeraha Buulo-Gaduud.

Ciidamada Kenya ee ka baxay Buulo-Gaduud ayaa degay saldhig ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta ay ciidamada Kenya uga baxeen saldhiggan. Waa saldhiggii saddexaad ee ku yaalal Koonfurta Soomaaliya oo ay ciidamada Kenya ka baxaan toddobaad gudihiisa.

Ciidamada Kenya ayaa ku dhowaad laba toddobaad ka hor waxaa lagu weeraray sladhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo looga dilay aksar badan.

Warbixinta waxaa Kismaayo kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Kenya oo ka baxday Buul-Gaduud
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:45 0:00

XS
SM
MD
LG