Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamdeynta Gbagbo Oo Ka Socota Hague


Laurent Gbagbo
Laurent Gbagbo

Madaxweynihii hore ee Ivory Coast ayaa wajahayaa dacwadaha dambiyo ka dhan ah bani aadannimada, oo ay ku jiraan kufsi iyo dil.

Maxkamadeynta dambiyada dagaalka ee madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo ayaa maanta oo khamiis ah (1/28/2016) ka billaabatay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Gbagbo, oo ah madaxweyne hore kii ugu horreeyey ee lagu maxkamadeeyo Hague, ayaa wajahaya dacwadaha dambiyo ka dhan ah bani aadannimada, oo ay ku jiraan kufsi iyo dil dhacay intii uu socday dagaalkii afarta bil aa ee dhacay sanaddii 2010, oo 3,000 oo qof ay ku geeriyoodeen.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in Gbagbo oo 70 jir ah uu dagaalka billaabay, si uu xukunku isugu dhejiyo, kadib markii uu doorashada kaga adkaaday Alassane Ouattara.

Dagaalka ayaa dhammaaday kadib markii France oo horey u gumeysan jirtay Ivory Coast ay ciidamo u dirta dalkaas, si kala dambeynta loo soo celiyo, loona soo xiro Gbagbo.

Boqolaal qof oo dibad-baxayaal ah ayaa isugu soo ururay banaanka maxkamadda ICC ka hor inta aysan maxkamadeynta billaaban, si ay taageero ugu muujiyaan Gbagbo.

XS
SM
MD
LG