Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia Oo Xiriirka U Jartay Iran


Golaha Wasiirada Soomaaliya
Golaha Wasiirada Soomaaliya

Go'aanka ayaa lagu gaaray kulankii golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta oo warbixin looga dhageystay wasaaradda arrimaha dibedda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay xiriirka u jartay dalka Iran, kadib go’aan kasoo baxay golaha wasiirada.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “Ayadoo la fulinayo go'aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, January 07, 2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho, waxa ayna guddoonsiisay go'aanka”.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxa ay sheegtay in lagu codsaday sii hayaha safiirka Iran ee Muqdisho iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran in ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahood ah.

Talaabadan, ayey dowladda Somalia sheegtay inay timid “Kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay, laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga, deganaanshaha, wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay ugu baaqeyso Iran “Inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, joojiso faragelinta gudaha, ilaaliso qawaaniinta, heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed”.

Sahra Cabdi Axmed ayaa go'aankan ka warreysatay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:47 0:00

XS
SM
MD
LG