Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Hoobiyeyaal Oo Dad Ku Dilay Muqdisho


Hoobiye (Sawir hore)
Hoobiye (Sawir hore)

Hoobiyeyaashan ayaa waxa ay ku kala dhaceen xarunta degmada Wardhiigley iyo xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyootay shan qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhowr hoobiye oo ku dhacay xarunta degmada Wardhiigley iyo xero qaxooti, magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashan oo aan la ogeyn halka laga soo riday, ayaa labada qof waxa ay ku dileen xarunta degmada Wardhiigley gudaheeda, sida uu VOA u xaqiijiyey guddoomiyaha degmada Wardhiigley Yaasiin Nuur Ciise.

Dadka geeriyooday ayaa mid waxa ay ahayd haweeney cunto karineysay dadka barakacayaasha.

Shanta qof ee dhaawacmay ayaa afar qof, waxa ay ku sugnaayeen xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, halka qofka kale uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalo ka hayey guri uu degan yahay sarkaal sare, oo hoobiye uu ku dhacay.

Dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan soo sarain weerarkan hoobiye ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa sheegatay inay hoobiyeyaal ku weerareen madaxtooyada Soomaaliya.


XS
SM
MD
LG