Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guuleed: Safarka Jawaari Waa Carqalad


Guuleed
Guuleed

Madaxweynaha Galmudug ayaa safar uu maanta Jawaari ku tagay Dhuusomareeb ku tilmaamay mid carqalad ku ah dadaallada nabadeynta.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay safar uu maanta gudoomiyaha Baarlamanka Somalia ku tagay magaalada Dhuusamareeb.

Guuleed ayaa safarka Maxamed Cusmaan Jawaari ku tilmaamay mid aan u adeegeyn nabadeynta iyo wadahadaladii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo maamulka Ahlu-Sunna.

Safarka Jawari oo ee Dhuusamareeb oo ay ku wehliyaan ku xigeenkiisa labaad iyo 24 mudane oo kale ayaa la xiriira xal u raadinta khilaafka ka dhaxeeya Ahlusuna iyo maamulka Galmudug.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa ku tilmaamay safarka Jawaari mid carqalad ku ah guud ahaan dadaalka nabadeynta ee Somalia iyo shirka madasha ee lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaalada Kismayo.

Weriyaha VOA ee magaalada Gaalkacyo Cabdiwaaxid Macallin Isaaq, ayaa warbixintan noo soo diray.

Guuleed oo eedeeyey Jawaari
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:45 0:00

XS
SM
MD
LG