Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baqdaadi: Dowladdu Xaflad Ma Mamnuucin


Wasiirka awqaafta Soomaaliya
Wasiirka awqaafta Soomaaliya

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somalia, Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi ayaa sheegay inaanu jirin go’aan guud oo xukuumaddeed ah oo mamnuucaya in Somalia lagu dhigo xafladdo lagu xusayo dabbaaldegga sannadka cusub iyo ciidda masiixiga,

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Somalia, Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa sheegay inaanu jirin go’aan guud oo xukuumaddeed ah oo mamnuucaya in Somalia lagu dhigo xafladdo lagu xusayo ciidda masiixiga iyo dabbaaldegga sannadka cusub.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan in qaar ka tirsan culumadu ay soo jeediyeen talooyin ah in xaflado dalka lagu dhigo ay keeni karaan khalkhal dhinaca amniga, ayna ku taliyaan in laga hortago.

Weriyaheena Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa wareystay C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim, wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somalia.

Wareysi: Wasiirka diinta iyo awqaafta Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:35 0:00

XS
SM
MD
LG