Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saudi: Dab Isbitaal Ka Kacay Oo 25 Qof Dilay 


Isbitaalka uu dabka ka kacay.
Isbitaalka uu dabka ka kacay.

Dab saaka ka kacay isbitaal ku yaalla dalka Sacuudiga ayaa waxaa ku dhintay 25 qof, isla markaana waxaa ku dhaawacay 107 qof oo kale. Saraakiisha ayaa sheegay in dabkaasi imika la xakameeyay.

Dab saaka ka kacay isbitaal ku yaalla dalka Sacuudiga ayaa waxaa ku dhintay 25 qof, isla markaana waxaa ku dhaawacay 107 qof oo kale. Saraakiisha ayaa sheegay in dabkaasi imika la xakameeyay.

Dabkan ayaa subaxnimada khamiista ah ka kacay magaalada ku taalla koonfurta galbeed ee xeebta leh ee Jazan.

Waaxda difaaca bulshada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dabka uu ka kacay qeybta daryeelka xooggan ee isbitaalka.

Dadka ku dhaawacmay dabkan ayaa waxaa loo wareejiyay isbitaallo kale oo ka dhow aagga. Illaa iyo hadda wax faahfaahin ah lagama bixin dadka ku geeriyooday dabkan.

Sawirro lasoo dhigay barta twitter-ka ayaa muujinayey dab aad u xooggan oo u muuqday inuu khasaare xooggan gaarsiiyey gudaha Isbitaalka.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa iminka wada baaritaan ay ku sameynayaan sababihii dhaliyey dabkan.

XS
SM
MD
LG