Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bari: Al-Shabaab Iyo Dacish Oo Dagaalamay


ISIS
ISIS

Dagaalka ayaa socday illaa xalay saqdii dhexe, waxaana maqlayay hugunka rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac.

Kooxo hubeysan oo kala taageersan ururada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dagaal wuxuu ku dhex maray deegaanka Il oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Dad deegaanka ka ag dhow ayaa VOA u sheegay in dagaalku uu socday illaa xalay saqdii dhexe, lana maqlayay hugunka rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac.

Lama oga khsaaraha dagaalkaas ka dhashay inta uu le'eg yahay.

Bishii August ee la soo dhaafay ayaa garabka ururka Al-Shabaab ee buuralayda Galgala ay u kala jabeen laba dhinac, iyadoo hogaamiyihii garabka al-Shabaab ee Galgala C/qaadir Muumin uu ku dhawaaqay in uu ku biiray ururka Daacish, isagoo ciidamo daacad u ahna uu ula gudbay dhinaca buuraleyda Cal Miskaad.

XS
SM
MD
LG