Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bujumbura: 7 Qof Oo Lagu Dilay Rabshado


Qaraxyo iyo is-rasaaseyn dhex martay askarta iyo koox hubeysan ayaa sababay dhimashada 7 qof, markii la weeraray saldhig milatari.

Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen weerar lagu qaaday goobo milatari oo ku yaalla duleedka magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi.

Rasaas is-weydaarsi iyo qaraxyo ayaa laga maqlay bannaanka caasimadda dalka Burundi saacadii hore ee maanta, kadib markii mintidiin ay weerareen laba saldhig oo milatari.

La-taliyaha dhinaca warbaahinta ee madaxtooyada dalkaas Willy Nyamitwe, ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay isku dayayeen inay maxaabiis furtaan.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay in baabuurta booliiska iyo milatariga ay ilaalinayaan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Bujumbura, ayada oo la dhigay jidgooyooyin xannibay dhaqaaqa dadka.

Burundi ayaa madaxa la gashay xasarado bishii April, markii madaxweynaha dalkaas uu ku dhowaaqay inuu is-sharxi doono markii saddexaad. Dadka isaga kasoo horjeeda ayaa ku eedeeyey inuu ku xadgudbayo dastuurka dalka oo dhigaya in laba mar ka badan uusan xilka dalka qaban karin, iyo sidii kale heshiiskii lagu soo geba gebeeyey dagaalkii sokeeye ee dalkaas oo socday 12 sano.

QM ayaa sheegtay in rabshado dhacay tan iyo markaas ay dileen 240 qof, ayna ku qasbeen 200,000 oo reer Burundi ah inay dalkooda ka barakacaan.

XS
SM
MD
LG