Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ryan Iyo Ellison Oo Cambaareeyey Trump


Afhayeenka Congress-ka Paul Ryan iyo Keith Ellison ayaa cambeereeyey hadalkii Trump ee ka dhanka ahaa Muslimiinta.

Wakiilka laga soo doorto gobolka Minnesota ee aqalka Congress-ka Mareykanka Keith Ellison oo muslim ah, ayaa soo saaray hadal qoraal ah, kadib markii musharaxa xisbiga madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu ku baaqay in muslimiinta loo diido inay soo galaan Mareykanka.

“Dadka badankiisa waa ay ka ogyihihiin musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga waxa dalkeena uu u yahay mid xooggan. Donald Trump waa inuu dib u aqriyaa erayada dastuurkeena ee ku saabsan xoriyadda diimaha iyo dulqaadashada. Ma dooneynaa xaqiiqdii qof aan fahamsaneyn qiimaheena inuu caalamka ula hadlo sida inuu na matalo” ayuu yiri Keith Ellison.

“Madaxweynaha waa inuu dadka isku keenaa, ee ma ahan inuu ku kala qeybiyo hadallo naceyb ku saleysan iyo cabsi uu ka abuuro diin dhan”

“Xaqiiqda ah in Donald Trump uu yahay musharaxa hogaaminaya codbixinta ra’yiga ee xisbiga jamhuuriga, ayaa kicinaya walaac ku saabsan halka ay Jamhuuriga doonayaan inay dalkeena ku hogaamiyaan”.

“Siyaasi taageero ku raadinaya damaca dadka qaarkiis, sida Trump oo kale, waxa uu soo jiitaa kuwa dadka ugu xun, marnaba meel wanaagsan ugma jiraan buugaagta taariikhdeena, kasoo billow Joseph McCarthy, siina wad”.

“Dadka Mareykanka waa ay ogyihiin inaan ka geesisannahay sidan”.

Dhinaca kale, Afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka Paul Ryan ayaa si weyn u canbaareeyay Donald Trump qorshahiisa uu ku doonayo inuu Muslmiiinta Maraykanka ka mamnuuco inay soo galaan Marayaknka.

Ryan ayaa sheegay in talaabadan ay gaf ku tahay dastuurka Maraykanka iyo fikradaha xisbiga Jamhuuriga.

Ryan wuxuu yiri " Caadiyan kama hadlo arrimaha doorashada madaxtinimad, laakiin maanta waan ka hadlayaa. Tani maaha talaabada xisbiga muxaafidka ah, maha waxa xisbigu taagan yahay, mana aja waxaa waddanka u taagan yahay"

Ryan ayaa sheegay in Muslimiinta Maraykanka aysan kaliya ka tirsanayn ciidamada, balse ay sidoo kale yihiin kuwo ka shaqeeya aqalka congresska, oo ilaaliya dastuurka Maraykanka.

Hadalka Donald Trump oo ku sheegay inuu ku manuucayo Muslmiintu inay soo galaan Maryakanka, waxaa sidoo kale canbaareeyey siyaasiyiinta kale ee u tartamaya jagada madaxtnimiada ee xisbiga Jamhuuriga, iyo waliba hoggaamiyayaasha Muslmiiinta Maraykanka.

R/W Britain David Cameron ayaa isna hadalka Trump ku tilmaamay mid khaldan

XS
SM
MD
LG