Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka Oo Somali Is-Dhiibay Xaqiijiyey


FBI The Building
FBI The Building

Maraykanku waxa uu sheegay in ninkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Xasan (Miski) oo isku dhiibay dowladda Somalia..

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in nin Soomaali ah oo ka mid ah dhallinyaradii ka baxday gobolka Minnesota sannadkii 2008 uu isku dhiibay dawladda Soomaaliya haatanna uu ku jiro gacanta dawladda.

Maraykanku waxa uu sheegay in ninkaasi lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ku magac dheer Miski. Waxay sheegtay inuu ninkaasi is dhiibay bishii hore.

Dhinaca kale nin Maraykan ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdimaalik Cabdisalaam Jones ayaa isna shalay isku dhiibay ciidamada dawladda ee ku sugan magaalada Baraawe.

Ninkaasi ayaa u sheegay mas’uuliyiinta dawladda inuu kasoo cararay iska horimaadka u dhexeeya kooxaha kala taageersan Daacish iyo Al-Qaacida ee Al-Shabab ka wada tirsan.

XS
SM
MD
LG