Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Muslimiinta Ha Loo Diido Mareykanka


Trump waxa uu tuhunsan yahay in codbixin ra’yi uruurin ah oo la sameeyey ay muujineyso in dadka muslimiinta ah ay neceb yihiin Mareykanka.

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku baaqay in dadka muslimiinta ah laga mamnuuco soo gelitaanka Mareykanka, inta hogaamiyayaasha dalka ay ka ogaanayaan waxa socda.

Trump waxa uu tuhunsan yahay in codbixin ra’yi uruurin ah oo la sameeyey ay muujineyso in dadka muslimiinta ah ay neceb yihiin Mareykanka.

“Inta aan ka go’aan gaareyno oo aan ka fahmeyno dhibaatadan iyo halista ay nagu keeni karto, dalkeena ma noqon karo dhibanaha weerar foolxumo badan oo ay geystaan dad aaminsan kaliya jihaadka, oo aan xushmad u hayn nolosha aadanaha” ayuu yiri Donald Trump.

Hadallada ka dhanka ah muslimiinta ma ahan wax ku cusub Trump, oo horey ugu baaqay in dowladda ay dusha kala socoto masjidyada, islamarkaana la abuuro meel lagu keediyo xogta dadka muslimiinta ah.

Hadallada Trump ayaa yimid maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu dadka Mareykanka ugu baaqay inaysan kusoo jeesan muslimiinta kadib weerarada argagixiso.

XS
SM
MD
LG