Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VISA-ha Mareykanka Oo La Adkeyn Doono


Laba nooc oo ka mid ah habka lagu soo galo Mareykanka ayaa la adkeyn doonaa kadib weerarkii gobolka California.

Weeraradii dhimashada badnaa ee Paris iyo California ayaa dareenka hoggaamiyayasha Mareykanka kusoo jeediyey laba hab oo dadka u ogolaanaya inay kusoo galaan Mareykanka.

Mid ka mid ah hababkan, waa isbeddel lagu sameeyo dal ku galka loo yaqaan K-1 oo ah Visa ay Mareykanka kusoo gashay Tashfeen Malik oo ku lug lahayd weearkii San Bernardino ee California. Visaha noocan ah ayaa waxaa sanad kasta Mareykanka kusoo gala 25,000 oo qof oo diyaar u ah guurka muwaadiniin Mareykan ah.

Hanaanka kale waa barnaamijka dadka ka imanaya 38 dal u ogolaanaya inay Visa la’aan Mareykanka soo galaan ee loo yaqaan Visa Wiaver Program, kuna nagaan karaan 90 maalmood.

“Waa inaan baaritaanno dheeri ah ku sameynaa kuwa Mareykanka imanaya dal ku gal la’aanta, sidaa darteed waxaan eegmo qoto dheer ku eegi karnaa inay u safreen dalal dagaallo ka socdaan iyo in kale” ayuu yiri madaxweyne Obama oo khudbad u jediyey shacabka Mareyanka.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in xubno ka mid ah aqalka congress-ka ay kala shaqeynayaan in arrintan la sameeyo.

Sanaddii 2013, 21.2 milyan oo qof ayaa Mareykanka soo galay Visa la’aan, waxaana ay dadkaas ahaayeen 39% guud ahaan dadka Mareykanka u yimaada dalxiiska iyo ganacsiga.

XS
SM
MD
LG