Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii Garoonka Boosaaso Oo La Dilay


Garoonka diyaaradaha Boosaaso
Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Dilka taliyaha ayaa waxaa ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada garoonka Boosaaso, oo iminka baxsad ah.

Taliyihii ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Gaashaanle Sare Xasan Shire Ammaan, ayaa maanta lagu dilay albaabka hore ee garoonkaas.

Taliyaha ciidamada booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdrisaaq Maxamuud Yuusuf Afgaduud, ayaa VOA-da u sheegay in dilka taliyaha uu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada garoonka Boosaaso.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta askariga uu u fuliyey dilkan.

Askariga dilka geystay oo ka mid ahaa askarta taliye Xasan Shire ayaa baxsaday, waxaana ku raad joogay ciidamada ammaanka Boosaaso, sida uu sheegay taliye Afgaduud.

Baraha laga baxo ee magaalada Boosaaso ayaa gebi ahaanba xiran, waxaana gudaha magaalada ka socda baaritaan lagu baadi goobayo askariga dilka geystay.

Xasan Shire Ammaan, ayaa in ka badan toban sano ahaa taliyaha ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Faadumo Jaamac ayaa warkan kasoo dirtay Boosaaso.

Dilka Boosaaso
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:45 0:00

XS
SM
MD
LG