Xaruntii Keydka Shidaalka ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay ku dhawaad muddo 25 sano ah maanta dib loo howl-geliyey.
Xarunta ayaa waxaa dib u furay ganacsato Soomaaliyeed, oo la sheegay inay mashruucan ku maal-geliyeen ku dhowaad 20 milyan oo dollar.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamuud iyo xubno kale oo ka mid ah dowladda.
Mashruucan ayaa ka kooban haamo waaweyn oo gaaraya illaa 7 oo shidaalka keydiya, iyo dhuumo shidaalka kasoo qaadaya maraakiibta badda kusoo xirta ee shidaalka wada.
Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo ka qeyb galay munaasabaddii furitaanka xaruntan ayaa uga waramay Maxamed Colaad Xasan oo Washington jooga.