Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia Oo Hadalkii Obama Laga Taageeray


Madaxweyne Obama ayaa sheegay in argagixisada aysan matalin islaamka, ficilladoodana loo nisbeyn karin Islaamka.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyey khubaddii uu habeen hore jeediyey madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ee ku saabsaneyd dagaalka lagula jiro Daacish.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa khudbaddiisa waxa uu kaga digay in dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo kooxda ISIS aan loo rogin ama laga dhigin mid u dhexeeya Islamaka iyo Marayknaka.

Obama ayaa waxa uu dadweynaha Maraykanka ka dalbaday inay ixtiraamaan mujtamaca muslimiinta ah oo uu sheegay inay ka mid yihiin bulshada Maraykanka.

Mus’uuliyiin la hadlay VOA oo ay ka mid yihiin xildhibaan hore Xuseen Caraale Caddaan, Maxamed Cabdulaahi Xaaji oo ka mida Dadka siyaasadda u indha duleeda; iyo Muxudiin Xasan Afrax oo ka mida bulshada rayidka Muqdisho, ayaa soo dhoweeyey hadalka Obama.

Xubnaha dhammaantood ayaa sheegay in aragtida Obama ee ah in argagixisada aysan matalin islaamka ay tahay mid dhab ah.

Waxaa wareystay weriyaheena Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Khudbaddii Obama oo la soo dhoweeyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:39 0:00

XS
SM
MD
LG