Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Madasha Oo Lasoo Geba Gebeeyey


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Waxaa madasha maanta looga hadlay arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka New Deal.

Shirkii Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa lasoo geba gebeeyey.

Waxaa shirka kasoo qeyb galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada, ku dhawaad 20 dowladood oo Yurub u badan, Mareykanka iyo ururada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo Jaamacadda Carabta.

Waxaa madasha maanta looga hadlay arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira Cahdiga Cusub (New Deal).

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso 2016 lagu shaacin doono shirk a dhacaya Istanbul sanadka dambe.

“Waxaan garowsanahay dadaallada ballaaran ee socda ee lagu xaqiijinayo wada hadal qaran oo ku saabsan hanaanka doorasho ee ugu wanaagsan Somalia sanadda 2016. Waxaan xaqiijineynaa in wada-hadalka uu sii socon doona, islamarkaana go’aanka oo uu wehliyo qorshe fulin oo cad lagu soo bandhigi doono magaalada Istanbul, sanadka dambe, tani waxa ay u baahnaan doonaa hindisooyin kale oo la dhinac socda qorshahan in la dhameystiro, sida dhismaha dowlad goboleedyada harsan iyo dib u eegista lagu sameynayo dastuurka” Ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulanka Nicholas Kay oo ku baaqay tanaasul ku saabsan doorashada 2016-ka.

“Waxa ay noqon doontaa in la isku miisaamo waxa kasoo baxay wadatashiyada gobollada. Waa in nooc tanaasul la aqbalaa, cidna kuma guuleysan doonto, waxa ay jeceshaahay, hase yeeshee qof kasta waa uu guuleysan doonaa, haddii heshiis la gaaro, marka Istnabuul la tagana, waxaaan u baahanahay inaan ka fikirno, faahfaahinada iyo maal-gelinta loo baahan yahay si heshiiskaas loo fuliyo” ayuu yiri Kay.

XS
SM
MD
LG