Rishi Sunak ayaa maanta noqday ra’iisul wasaarihii saddexaad ee Britain ay yeleato sanad gudihiis iyo qofkii ugu horreeyey ee aan caddaan aheyn ee xilkaas qabta.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Britain Rishi Sunak ayaa Isniinta maanta ah ku guuleystay hardankii loogu jiray hoggaanka xisbiga Conservative-ka Britain, wuxuuna noqonayaa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan caddaan aheyn.
Tehran ayaa maanta beenisay eedyemo uga yimid Mareykanka oo ah in saraakiil ka tirsan militariga Iran ay ku sugan yihiin gobolka Ruushka uu qabsaday ee Crimea, si ay Moscow uga caawiyaan inay weeraro drone ah ka fuliso Ukraine.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga mamnuucay inuu xafiis siyaasadeed u tartamo muddo shan sano ah, kadib markii guddiga doorashada dalka ay xukumeen inuu mas’uuliyiinta ka marin habaabiyey hadiyado uu ka helay hoggaamiyeyaal shisheeye intii uu xafiiska joogay.
Midowga Yurub ayaa isku raacay cunaqabatayno ka dhan ah saddex shaqsi iyo hal hay’ad oo diyaaradaha drone-ka Iran u qeybinaya Ruushka, kuwaas oo loo adeegsaday in lagu duqeeyo Ukraine, waxaa sidaas sheegay dalka Czech oo hadda haya madaxtinimada ururka.
Muwaadin Mareykan ah oo lagu xiray dalka Sacuudi Carabiya ayaa loo ciqaabayaa qoraallo uu soo dhigay twitter-ka oo la xiriira mowduucyo ay ka mid yihiin dagaalka Yemen iyo dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas AFP u sheegay wiilkiisa.
Dowladda Itoobiya ayaa diginin kama dambeys ah u dirtay Ireland oo ku saabsan mowqifkeeda dagaalka labada sano ka socda dalkaas, ayada oo ku eedeysay cadaawad kana digtay inuu go’i karo xiriirka diblomaasi ee labada dal.
Sacuudia Carabiya ayaa diiday kuna sheegtay “wax aan xaqiiqda ku saleysneyn” dhalleeceynta ka dhanka ah go’aankii uu toddobaadkii tegay qaatay ururka OPEC+ ee uu ku dhimayo wax soo-saarka saliidda, xilli Mareykanka uu aad uga soo horjeedo.
Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib markii dalalka OPEC+ ay toddobaadkii tegay ku dhowaaqeen inay dhimi doonaan wax soo-saarka shidaalka, kuna gacan sayreen diidmada Mareykanka.
Hoggaamiyaha dowladda Scotland ayaa Axaddii sheegtay inay xoojin doonto ololaha ay Scotland uga saareyso UK, xitaa haddii looga guuleysto kiis yaalla Maxkamadda Sare oo ay ku dooneyso ogolaanshaha afti loo qaado madax-banaani.
Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.
Ra’iisul Wasaaraha Libya ee fadhiggiisu yahay Tripoli Cabdulxamiid Dabiibah ayaa difaacay heshiis uu horraantii toddobaadkan la saxiixday Turkey oo ku saabsan in shidaal iyo gaas laga sahmiyo badda Meditareeniyaanka, kaasi oo ka careysiisay dalalka Yurub.
MadaxweyneVladimir Putin ayaa maanta saxiixay sharci baarlaman oo Ruushka uu ku goostay dalkiisana ugu darsaday afar gobol oo ka tirsan Ukraine, sida ku cad dokumenti dowladeed.
Qareenada dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo dacwado ku wajahaya Mareykanka sababo la xiriira dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji, ayaa Isniintii maxkamadda u sheegay in xilka ra’iisul wasaare ee loo magacaabay toddobaadkii tegay uu siinayo xasaanad.
Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay dagaal-yahanadooda kala baxeen qeybaha ay ka haysteen ee gobolka deriska la ah, si ay uga hortagaan weerar weyn oo ka socda waqooyiga.
Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman, oo ah laba gabar oo Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa maanta ku guuleystey abaalmarinta Right Livelihood Award ee Sweden, taasi oo Sweden ay u aragto beddelka abaalmarinta Nobel-ka.
Ganacsigii xilli dagaalka ku bulaalay ee Turkiga uu la lahaa Moscow ayaa maanta qaaday tallaabo dib u garasho oo weyn, ayada oo la xaqiijiyey in saddexda banki ee ugu dambeysa ee weli aqbala kaararka lacagta ee Ruushka ay joojinayaan kadib cadaadis ka yimid Washington.
Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyn cusub oo ka dhacday caasimadda gobolka Tigray maanta, waxaa sidaas sheegay isbitaalka ugu weyn magaalada.
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday in ka badan $151 milyan oo taageero cusub oo la siinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha dalka ka jira.
Kuwo kale