Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka jira in militariga Iran ay toos ugu biireen dagaalka Ukraine?


Tehran ayaa maanta beenisay eedyemo uga yimid Mareykanka oo ah in saraakiil ka tirsan militariga Iran ay ku sugan yihiin gobolka Ruushka uu qabsaday ee Crimea, si ay Moscow uga caawiyaan inay weeraro drone ah ka fuliso Ukraine.

“Si xooggan ayaan u diideynaa warkan,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Nasser Kanani mar wax laga weydiiyey sheegashooyinka Aqalka Cad.

Khamiistii, afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in ciidamada Iran “ay joogaan Crimea” si ay uga caawiyaan Russia howlgalladeeda, isaga oo intaas ku daray in xubnahaas ay yihiin tababareyaal iyo shaqaale teknoolajiyad.

Isaga oo ka jawaabaya ayaa Kanani wuxuu Isniinta sheegay in Washington “ay damacsan tahay inay dareenka shacabka ka weeciso kaalinta burburka leh ee ay ku leedahay dagaalka Ukraine ayada oo garab taagan dhinac ka mid ah dhinacyada dagaalka islaamrkaana si xooggan hub iyo qalab ugu dhoofineysa Ukraine.”

Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub ayaa goor horeba xayiraado kusoo rogay Iran, ayaga oo si la mid ah Kyiv, ku eedeeyey Iran inay diyaarado drone ah siisay Ruushka si loogu adeegsado dagaalka Ukraine.

Kirby ayaa sheegay in “Tehran ay hadda si toos ah uga howlgaleyso dhulka oo ay sii dheer tahay bixinta hubka saameynaya shacabka iyo kaabayaasha shacabka ee Ukraine.”

Iran ayaa horey u beenisay inay Ruushka u qeybineyso hub loo adeegsanayo Ukraine, islamarkaana Kremlin-ka ayaa ku eedeeyey Reer Galbeedka inay raadinayaan “Inay cadaadis ku saaraan” Tehran eedyemahan.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay marar badan ku dhowaaqday inaysan qeyb ka aheyn dagaalka Ukraine,” ayuu yiri Kanani.

“Uma dhoofineyno hub dhinac ka mid ah dagaalka Ukraine.”

Bishii tagtay, Kyiv ayaa go’aansatay inay aad u yareyso xiriirkeeda diblomaasi ee Tehran sababo la xiriira tuhunka ku saabsan inay hub siiso Moscow.

AFP

XS
SM
MD
LG