Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Cad oo soo saaray bayaan ku aadan qaraxyadii Zoobe


Jake Sullivan
Jake Sullivan

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof.

“Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale, waxay si gaar ah ay u cambaareyneysaa beegsiga foosha xun ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka deg degga ah,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Jake Sullivan oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden.

Sullivan ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwii noloshooda ku waayey iyo kuwa ku dhaawacmay “weeraradaas argagaxa leh ee lala beegsaday shacab aan waxba galabsan.”

“Dowladda Mareykanka waxaa weli ka go’an inay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay uga hortageyso ficillada argagixiso ee naxariis darrada ah,” ayuu yiri Sullivan.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay dhimashada 104 qof iyo dhaawaca in ka badan 300, haddana waxaa weli jira dad la la’yahay, waxaana suurta-gal ah in khasaaraha intaas kasii bato.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay wacad ku maray in loo aargudi doono dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaas.

XS
SM
MD
LG