Deeq Dawo Ah Oo La geeyey Buulo-Burde

Deeqdan dawada ah, ayaa waxaa bixiyey dowladda Soomaaliya, waxaana gacan ka geystay jaaliyadaha Buulo-Burde ee qurbaha.

Magaalada Buula-Barde oo ay maleeshiyada ururka Al-Shabab go’doon ku heysay tan iyo markii laga qabsaday bishii March ee sanadkii 2014-kii ayaa waxaa markii ugu horeysay la gaarsiiyay deeq dawo ah oo ay u dirtay dowladda Soomaalia.

Jaaliiyadaha Buulo-Burde ee qurbaha, ayaa bixiyey lacagta deeqdan dawada ah looga soo raray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Magaalada ayaa waxaa horey mar u gaaray gargaar cunto ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ka tirsan xoog dhulka ku mariyeen.

Deeqda maanta la geeyey Buulo-Burde, ayaa lagu geeyey diyaarad, waxaana ay ahayd ku dhowaad hal tan iyo bar.

Wariyaha VOA, Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan ka soo diray Buulo-Barde.

Your browser doesn’t support HTML5

Dawo la geeyey Buulo-Burde