Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masaarida Oo Xusaya Kacdoonkii 2011-ka


Kacdoonkii Masar (Sawir hore)
Kacdoonkii Masar (Sawir hore)

Kacdoonkii 2011-ka, oo shan sano ay kasoo wareegtay ayaa horseeday in xukunka laga tuuro madaxweyne Hosni Mubarak.

Maanta oo Isniin ah (1/25/2016), ayaa ku beegan sanad guuradii shanaad ee markii Masaarida ay billaabeen dibadbaxyo ka dhan ah hoggaamiyahii muddada fog xukunka hayey Hosni Mubarak, kaasi oo billow u noqday kacdoono ka dhacay bariga dhexe.

Illaa muddoo saddex toddobaad ah, ayuu Mubarak isku dayayey inuu iska caabiyo dibadbaxayaasha, isaga oo adeegsanaya ciidamada ammaanka oo dad badan ku xir xiray magaalada Qaahira, hase yeeshee ugu dmabeyn wuu is-casilay kadib 30 sano oo uu xukunka hayey.

Madaxweynaha iminka talada haya, Abdel Fattah el-Sissi ayaa axaddii ammaanya kacdoonkii 2011-kii, isaga oo sheegay inuu abuuray “Masar cusub”.

Sissi waxa uu eedeeyey kuwo uu sheegay inay kacdoonka u adeegsadeen inay ku gaaraan guulo shaqsi ah, isaga oo tixraacayey kooxda Ikhwaanul Muslimiinka, oo doorasho ay dowladda kula wareegtay ku guuleysatay kadib markii Mubarak la eryey.

Sissi ayaa sanaddii 2013 hoggaamiyey dadaallo xukunka looga tuuray madaxweyne Mohamed Morsi, oo ka tirsan ikhwaanul muslimiinka, waxaana kadib uu abuuray dastuur cusub, ayada oo ay dhaceen doorashooyin isaga loogu doortay madaxweyne.

XS
SM
MD
LG