Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Jowhar Oo ay Khilaafyo Hareeyeen


Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)
Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)

Ergooyinka qaar ka mid ah beelaha ayaa ka baxay shirka, waxaana si aad ah loo eedeynayaa wasaaradda arrimaha gudaha.

Magaaada Jowhar, waxaa ka taagan ismarin waa ku aadan qaabkii loo sii ambaqaadi lahaa shirka maamul-u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, ee halkaas ka socda.

Inta badan ergooyinkii ka qeyb-galayey ayaa dib u noqday, kadib marki ay ka cadhoodeen tirooyinka loo qoondeeyay beelaha ka qeybgalaya shirka, oo ay sheegeen inay ku yar yihiin.

Qaar ka mid ah siyaayiinta gobolladaasi ka soo jeeda ayaa wasaaradda arirmaha gudaha ku eedeynaya inay si aan hufnayn u maamuullayso shirka, taasina ay ugu wacan tahay in shirka carqaladoobo.

Dadkaasi waxaa ka mid ah xildhibaan Cali Nuur Xaaji Boodaaye, oo isagu ku doodaya in loo baahan yahay in talada lagu soo celiyo dadka gobolladaasi ka so jeeda si ay u qeybsadaan awoodda.

Weriyaheena Jacfar Kukay ayuu xildhibaan Cali Nuur ugu warramay Muqdisho.

Khilaaf ka taagan Jowhar.
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:35 0:00

XS
SM
MD
LG