Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xafiisyada & Iskuulada Washigton oo La Xiray

Washington Snowfall
Washington Snowfall

Xafiisyada dowladda iyo Iskuullada ku yaalla Washington DC iyo hareeraheeda ayaa la xiray maanta oo Isniin ah.

Xafiisyada dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah la xiray, iyadoo magaaladu ay iska gurayso kana soo kabsanayso barafkii ka da'ay.

Tareennada dhulka hoostisa mara ayaa wakhtiyo kooban socon doono.

Iskoollada magaalada iyo hareeraheeda ayaa xiran maanta oo Isniin ah, iyadoo duulimaadyaduna ay si tartiib tartiib ah looga bilaabi doono saddexda garoon ee ku yaalla magaalada Washington DC.

Dadku waxay bilaabeen inay iska guraan oo iska nadiifiyaan barafkii da'ay, balse saraakiishu waxay sheegayaan in maalmo ay qaadan doonto in xaaladdu caadi ku soo noqoto.

Ugu yaran 24 qof ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen shilal barafka la xiriira, waxaana ku jira kuwa wadnuhu istaagay iyagoo barafka qodayay.

Magaalada Washington iyo hareeraheeda waxaa ka da'ay baraf dhan 76 centimeter. Magaaladla Baltimore waxaa ka da'ay barafkii u badnaa taariikhda magaalada oo gaarayay 74 centimeter, Barafka ayaa gobolka u keenay daadad.

Magaalada New York barafkii da'ay waxaa lagu qiyaasay s 68 centimeters, wuxuuna ahaa kii labaad ee ugu weyn ee halkaasi ka da'a tan iyo 1869.

101 centimeter baraf gaaraya ayaa wuxuu ka da'ay meel u dhow magaalada Harper's Ferry ee West Virginia.

Sawirro: Barafka Maraykanka

Baabuur uu barafku qariyay
1/12 Baabuur uu barafku qariyay
Warar Kale Show less
Wadada oo uu baraf daadsan yahay
2/12 Wadada oo uu baraf daadsan yahay
Warar Kale Show less
Barafka Washington
3/12 Barafka Washington
Warar Kale Show less
Barafka Washington
4/12 Barafka Washington
Warar Kale Show less
Barafka Washington
5/12 Barafka Washington
Warar Kale Show less
Barafka Washington
6/12 Barafka Washington
Warar Kale Show less
Washington Snowfall
7/12 Washington Snowfall
Warar Kale Show less
Nin baraf ka goraya baabuurkisa
8/12 Nin baraf ka goraya baabuurkisa
Warar Kale Show less
Barafka Washington
9/12 Barafka Washington
Warar Kale Show less
Aqalka Congress-ka Maraykanka
10/12 Aqalka Congress-ka Maraykanka
Warar Kale Show less
Aqalka Congress-ka
11/12 Aqalka Congress-ka
Warar Kale Show less
Baraf aasay baabuur, Washington DC.
12/12 Baraf aasay baabuur, Washington DC.
Warar Kale Show less
Previous slide
Next slide

XS
SM
MD
LG