Somaliland oo Heshiis la Gashay Dubai World

Sacadl Cali Shire oo saxiixaya heshiiska

Heshiiska oo ku baxaya lacag dhan 400 oo Milyan oo Doollar, ayaa waxa uu la xidhiidha ballaadhinta Dekedda Berbera.

Dawladda Somaliland ayaa heshiis ganacsi oo la xidhiidha ballaadhinta Dekedda Berbera la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo la yidhaahdo Dubai World Ports.

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dubai oo ay safar shaqo ku joogeen wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa socon doona muddo 30 sanno ah.

Waxaa heshiiska ku baxaya lacag dhan 400 oo Milyan oo Doollar.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama ayaa heshiiskan ku tilmaamay sharci-darro.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa eedaynta xisbiga Waddani iyo faahfaahinta la xidhiidha heshiiskan wuxuu ka waraystay Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo maanta Hargeysa ku laabtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Somaliland oo heshiis la gashay Dubai World