Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dhalinyaro Soomaali ahi ay ku dhinteen badda.
NEW YORK —
Warar kala duwan ayaa sheegaya in dhalinyaro Soomaali ahi ay ku dhinteen badda u dhexeysa Masar iyo Libya, ayaga oo u tahriibaya Yurub.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal tacsi ah oo ku aaddan dhalinyarada la sheegay inay ku dhimatay badda.
Axmed Cali Sheekh ayaa goor dhoweyd khadka telefoonka ee New York kula xidhiidhay Wasiirka Arimaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye, waxaana waraysiga u la yeeshay uu u dhacay sidan.