Somaliland ayaa waxaa ka jira abaaro aad u darran, oo sababay dhimashada dad iyo xooloba.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo safar ku soo maray deegaanada abaaruhu ka jiraan ayaa si weyn uga dayriyey xaaladda abareed.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa Guddoomiyaha ka waraysta abaaraha iyo weliba saamaynta ay ku yeelanayaan diiwaan gelinta ka socota dhulka abaaruhu ka jiraan.