Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korea-da Woqooyi oo Gantaalo kale Ridday


Nin taleefishinka ka daawanaya gantaalada ay ridday Korea-da Woqooyi
Nin taleefishinka ka daawanaya gantaalada ay ridday Korea-da Woqooyi

Saraakiisha dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in gantaalada maanta oo Isniin ah laga soo riday magaalada Hamhung.

Korea-da Woqooyi ayaa dhowr gantaalada riddada gaaban ah ku ridday xeebta bari ee dalkaas.

Saraakiisha dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in gantaalada maanta oo Isniin ah laga soo riday magaalada Hamhung.

Saraakiishu ma aysan sheegin noocan ay ahaayeen gantaaladan.

Toddobaadkii tagay, ayaa saraakiisha Korea-da Koonfureed waxa ay sheegeen in Korea-da Woqooyi ay gantaalada riddada dhexe ku ridday badda, ayada oo iska indha tireysa cunaqabateynta QM.

Korea-da Woqooyi ayaa muddo toddobaadyo ah ku hajabeysay inay weerar hub nuclear ah oo ay isku difaaceyso ku qaadi doonto Seoul iyo Washington, ayada oo kaga jawaabeysay carbiska miltariga Mareykanka iyo Konorea-da Koonfureed ay samaynayaan.

Korea-da Woqooyi ayaa carbiskaas milatari u aragta mid loogu diyaar garoobayo weerar lagu soo qaado.

XS
SM
MD
LG