Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Puntland iyo Al-Shabab oo Weli Socda


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in maanta uu mar kale dagaal ka dhacay deegaano u dhow deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa maanta ka socda laba furin, sida ay wararku sheegayaan.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in afar askari ay uga dhimatay dhowr iyo labaatanna ay kaga dhaawacantay dagaal ilaa shalay halkaasi ku dhex marayay ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee ay baacsanayaan.

Waxaa sidoo kale jira maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo ciidamada Puntland isu soo dhiibay, laakiin weli ma cadda tirada maleeshiyada looga dilay dagaalka.

Maleeshiyada isa soo dhiibtay ayaa lagu sheegay illaa 29, oo u badan wiil aad u da’ yar.

Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xasan ayaa dagaaladan ugu dambeeyay wax ka weydiiyay Maxamed Saciid Yuusuf oo ka tirsan idaacadda SBC oo ku suggan magaalada Garacad.

Dagaalka Puntland iyo Al-Shabaab oo weli socda
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:12 0:00

XS
SM
MD
LG