Go’aanka baarlamanka ay su’aalaha ku weydiinayaan madaxda xukuumadda ayaa waxa soo dedejiyey qaraxii toddobaadkii tagay ka dhacay hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo shalay iyo maanta ka socda xarunta baarlamanka ee Muqdisho ayaa ah mid albaabadu ay u xiran yihiin oo saxaafadda aan loo ogoleyn.
Wariyeheenna Magaalada Muqdisho Seynab Abukar Maxamed ayaa inoo soo dirtay warbixintan oo ay ku eegeyso kulamadan iyo ammaanka Muqdisho.