Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Waqooyi oo Cuna-qabateyn Cusub la Saaray


Danjiraha Mareykanka ee Q.M. Samantha Power, Midig, iyo Danjiraha Jabbaan ee Q.M. Motohide Yoshikawa, oo wariyayaasha kula xarunta Q.M., kadib kulankii golaha ammaanka ee Q.M., March 2, 2016.
Danjiraha Mareykanka ee Q.M. Samantha Power, Midig, iyo Danjiraha Jabbaan ee Q.M. Motohide Yoshikawa, oo wariyayaasha kula xarunta Q.M., kadib kulankii golaha ammaanka ee Q.M., March 2, 2016.

Golaha ammaanka ee Q.M., ayaa meel mariyay Arbacadii shalay cuna qabateyn adag oo cusub taas oo la saarayo Kuuriyada Waqooyi, kadib tijaabinteedii gantaaallada riddada dheer iyo Nukliyer.

Danjiraha Mareykanka ee Q.M. Samantha Power, ayaa golaha ammaanka ee Q.M. u sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay tahay dalka kaliya ee tijaabiyay hub Nukliyer ah qarnigan 21-aad.

Waxay ku eedeysay maamulkaasi inuu diiradda saarto hubkiisa Nukliyerka, iyo gantaalladeeda riddada dheer, halkii uu wax ka qaban lahaa oo ka fakari lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka dalkaasi ay qabaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa soo dhaweeyay tallaabada cusub ee cunaqabateynta Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweye Barack Obama, ayaa sheegay in bulshada caalamka iyagoo ku hadlaya hal cod ay fariiin u direen Pyongyang, waxana uu ugu yeerey maamulkaasi in uu joojiyo barnaamijyada halista ah oo ay waddo wanaagsan u dooraan dadkooda.

XS
SM
MD
LG