Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Kalluumeysiga Sharci Darrada ah ee Somalia


Maraakiibta Spain
Maraakiibta Spain

Kalluumeysiga sharci darrada ah ee badda Soomaaliya ayaa waxaa sanadkiiba laga faa’iidaa lacag dhan 306 milyan oo dollar.

Waxaa wali sii kordhaya maraakiibta shisheeye ee sida sharci daradda ah u boobaya kalluunka iyo khayraadka kale ee badda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaan lahayn awood ay kula socoto ama ay uga hortagto maraakiibta sharci-daradda ah ee badda Soomaaliya ku sugan, taasi oo ah waxa ay maanka ku hayaan maraakiibtan.

Kalluumeysiga sharci darrada ah ee badda Soomaaliya ayaa waxaa sanadkiiba laga faa’iidaa lacag dhan 306 milyan oo dollar.

Dalalka sida aadka ah uga kalluumeysta badda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Iran, Yemen, Masar iyo Spain.

Hadaba, Sidee ugu haboon oo looga hortagi karaa boobka ay maraakiibta shisheeye ku hayaan kalluunka Soomaaliya.

Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa arrimahan ka waraystay John Steed , Madaxa Geeska-Afrika ee Hay’adda la socodka badaha ee Ocean Beyond Piracy xilli uu nagu soo booqday Xarunta VOA-da ee London kadibna warbixintan ayuu soo diray.

Warbixin: Kalluumeysiga sharci darrada ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00

XS
SM
MD
LG