Isku xirrada

War Deg-Deg ah

El Chapo: Si Xun Ayaa la iila Dhaqmay


Ninka ku eedeysan ka ganacsiga Mukhaaddaraadka ee reer Meksiko, Joaquin "El Chapo" Guzman, ayaa ka dalbaday qarreennadiisa inay daddajiyaan in loo wareejiyo xabsi ku yaalla dalka Mareykanka, kadib markii uu ka cawdey in si xun loogula dhaqmay xabsiga uu hadda ku xiran yahay.

Guzman, ayaa laba jeer ka fakaday xabsi ku yaalla Meksiko, oo ammaankiisuna aad loo adkeeyo, halkaas oo ay ku xiran yihiin dad badan oo loo heysto ka ganacsiga mukhaadarraadka Kookeeyn-ta oo boqollaal tan ah.

Jose Rodriguez, oo ah qarreenka Guzman El Chapo, ayaa sheegay in El Chapo uu ka dhammaadey dulqaadka, islamarkaasina uu arkey qof la garaacay oo lagu tuntay.

Qarreennadiis, ayaa hore wacad ku marey in ay u dagaallami doonaan in loo soo wareejiyo Mareykanka, waxaase dowladda Meksiko ay sheegtay in hannaankaasi uu qaadan karo sanad.

XS
SM
MD
LG