Muqdisho: Xubno Shabaab ah oo Xukun Lagu Riday

Maleeshiyada Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil iyo xabsi isugu jira ku ridday rag la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasi oo ku eedeysnaa fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dil, faafinta fikirka Al-Shabaab iyo basaanimo isugu jiray.

Dadka maxkamadda ay xukunka ku riday ayaa kala ah C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali, Maxamed Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Muxiyadiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni.

C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, ayaa lagu xukumay dil toogasho ah isaga oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka weriye Hindiya Xaaji oo ka tirsaneyd Radio Muqdisho.

Warbixintan waxaa magaalada Muqdisho kasoo diray weriyaheena Jacfar Kuukaay.

Your browser doesn’t support HTML5

Xubno Shabaab ah oo xukun lagu riday