Maleeshiyada ayaa la sheegay inay wakhti kooban qabsadeen qeyb ka mid ah degmadaasi, inkastoo markii danbe dib loo riixay.
MUQDISHO —
Wararka ka imanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan ururka Alshabab ay saaka weerareen degmada Shalanbood ee gobolkaas.
Maleeshiyada ayaa la sheegay inay wakhti kooban qabsadeen qeyb ka mid ah degmadaasi, inkastoo markii danbe ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM ay dib u riixeen.
Weerarka Shalanbood ayaa wuxuu ka mid noqonayaa weeraro xiriir ah oo maleshiyada al-Shabaab ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen degmooyin ka tirsan gobolka.