Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Museveni oo ku Horreeya Doorashada Uganda


Madaxweyne Museveni oo codkiisa dhiibanaya
Madaxweyne Museveni oo codkiisa dhiibanaya

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa haysta 60% codadka illaa iyo hadda la tiriyey oo ah afar meelood meel.

Natiijooyin horudhac ah oo laga helayo doorashada madaxtinimada dalka Uganda ayaa muujinaya in madaxweynaha xilka haya Yoweri Museveni uu ku horreeyo, xilli degmooyinka qaar ay codkooda dhiibanayaan maanta kadib dib u dhac ku yimid shalay.

Ayada oo la tiriyey afar meelood meel codadka, ayaa madaxweyne Yoweri Museveni oo xukunka hayey 30 sano, waxa uu haystaa 60% codadka illaa iyo hadda la tiriyey.

Hase yeeshee 36 goobo codbixinta ah oo ku yaalla magaalada Kampala iyo degmada Wakiso, oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha mucaaradka, ayaa codeynaya maanta.

Booliiska ayaa khamiistii si kumeel gaar ah u xiray hogaamiyaha mucaaradka, ahna musharaxa madaxweyne, Kizza Besigye kadib markii uu isku dayey inuu galo xarun uu sheegay in loo adeegsanayey in lagu qiyaamo doorashada. Waxaa la sii daayey gaar dambe.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, John Kirby, ayaa cambaareeyey xariga Besigye, wuxuun sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka ay ka walaacsan tahay dib u dhaca ku yimid cobixinta goobaha qaar.

XS
SM
MD
LG