Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo Wada-hadal u Tagey Beledweyne


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha waxa uu doonayaa odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, uu ka dhaadhiciyo inay aqbalaan ka qeyb galka shirka Jowhar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud iyo wafti la socda ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay inuu wada-hadal la yeesho qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan, oo diiday ka qeyb galka shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka socday magaalada Jowhar.

Shirkaas ayaa iminka hakad ku jira, kadib markii beelo dhowr ah ay shirka ka baxeen.

Madaxweynaha waxa uu la kulmi doonaa inta uu joogaa Beleweyne odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, kuwaasi oo uu ka dhaadhicin doono inay aqbalaan shirka, si loo sii amba qaado.

Waxaa madaxweynaha la socda oo arrintan ku gacan siinaya xubnaha beelaha dega gobolka ugu jira dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG