Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Libaayo ka Baxsaday Magaalda Nairobi


Lion
Lion

Libaaxyadan ayaa la tuhunsan yahay inay u baxsadeen dhulka keymaha ah ee duleedka Nairobi ee xaafadda Langata.

Illaa lix libaax ayaa ka baxsaday xarunta duurjoogta ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay war kasoo baxay xarunta duur joogta Kenya ee KWS.

Libaaxyadan ayaa la tuhunsan yahay inay u baxsadeen dhulka keymaha ah ee duleedka Nairobi ee xaafadda Langata.

Baxsadka libaaxyada ayaa walaac ka abuuray magaalada Nairobi iyo xaafadaha ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Maamulka duurjoogtra ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii loo heli laha libaaxyadan, ayada oo laga codsaday inay soo war-geliyaan mas’uuliyiinta haddii ay arkaan.

Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Yaasin Ciise Wardheere.

Libaaxyo ka baxsaday Nairobi
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:13 0:00

XS
SM
MD
LG