Soomaalida London Oo Ku Hor Banaanbaxay Safaaradda Kenya

Kenya Embassy London (Photo by Google View)

Dadka isugu soo baxay dibadbaxa oo gaaraya illaa 250 ayaa waxa ay dowladda Kenya ku eedeeyeen inay duqeyneyso shacabka Gedo.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee London ayaa maanta dibadbax ka hordhigay safaaradda Kenya ee magaalada London ee dalka Britain.

Dadka isugu soo baxay dibadbaxa oo gaaraya illaa 250 ayaa waxa ay dowladda Kenya ku eedeynayaan inay ciidamadadeeda duqeymo iyo barakacin ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Dadkan ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin “Kenya ha ka baxdo Soomaaliya, “Kenya Soomaaliya uma joogto nabad ee dagaal ayay u joogtaa”, iyo erayo kale.

Weriyaheena Ridwaan Xaaji Cabdi Weli oo tagay halka uu dibadbaxa ka socday Ayaan la hadalnay intii uu joogay banaanbaxa.

Your browser doesn’t support HTML5

Dibadbax ka dhan ah Kenya oo ka dhacay London