Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Twitter Oo Is-beddelo Lagu Sameyn Doono


Twitter
Twitter

Shirkaddan ayaa sanadkii tagay khasaartay 90 milyan oo dollar, waxaana sidoo kale hoos u dhacay dadka isticmaala.

Barta bulshada ee Twitter ayaa sheegtay inay ka fakareyso inay is-beddelo sameyso, si ay adeegsiga bartaas uga dhigto mid fudud.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii warbixintii ugu dambeysay ee lasoo saaray ee ku saabsaneyd waxqabadka Twitter ay muujisay inaysan wax koritaan ah sameyn, islamarkaana ay lumisay 90 milyan oo dollar.

Inkasta Tiwtter ay tahay bar can ah, haddana waxay tartan xooggan kala kulmeysaa baraha horey u jiray sida Facebook, iyo kuwa cusub sida Snapchat iyo Instagram.

Dadka Twitter istcimaala ayaa aad uga ashtakooda in isticmaalkeeda uu yahay mid ka adag kuwa kale, ayada oo dadka ku xanibtay adeegsiga wax aan ka badneyn 140 xaraf.

Dadka isticmaala Twitter ayaa sanadkii tagay hoos ugu dhacay 305 milyan, marka loo eego tirada sanaddii 2014 oo ahayd 307 milyan.

Twitter intii ay jirtay weligeed ma sameyn wax faa’ido lacag ah, hase yeeshee khasaaraha sanadkii tagay oo ahaa 90 milyan oo dollar, ayaa ka yar khasaarihii 2014 oo ahaa 125 milyan oo dollar.

XS
SM
MD
LG