Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Rwanda Ayaa Qaseysa Burundi


Rabshadaha Burundi ayaa waxaa ku naf waayey boqolaal qof.
Rabshadaha Burundi ayaa waxaa ku naf waayey boqolaal qof.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay in Rwanda ay tallaabooyin milatari ka waddoo Burundi.

Laba diblomaasi sare oo Mareykan ah ayaa ku eedeeyey Rwanda inay “Dhaqdhaqaaqyo xasillooni darreyn ah” ka waddo dalka ay deriska yihiin ee Burundi, halkaasi oo rabshado ka socda ay dileen boqolaal qof.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika, Linda Thomas-Greenfield ayaa guddi ka tirsan aqalka congress-ka Mareykanka u sheegtay in Rwanada ay tallaabooyin milatari ka waddo Burundi.

Linda Thomas-Greenfield waxa ay sheegtay inay sidoo kale ka walaacsan yihiin warbixin la isku halleyn karo oo sheegaya in Rwanda ay askar ahaan u qoreyso qaxootiga Burundi ee ku sugan xerooyinka ku yaalla Rwanda.

Waxa ay qeexday inay muhiim tahay in Rwanda ay kaalin wax dhisid ah ka cayaarto dagaallada gobolka, oo ah bixinta taageero siyaasadeed, balse aan looga baahneyn mid Milatari.

Wasiirka arrimaha dibedda Burundi, Alain Nyamitwe, ayaa sheegay in Burundi ay muddo shaacineysay dhibka Rwanda ay ku hayso, wuxuuna ugu baaqay Mareykanka inay tallaabo ka qaadaan Rwanda.

XS
SM
MD
LG